Al-Shabaab oo laga saarey degaan muhiim ah

Ciidanka Kenya ayaa sidoo kale billaabay dhaq-dhaqaaqyo ay ka wadaan duleedka Afmadow, oo Jubbada Hoose katirsan, taasoo qeyb ka ah guluf ka dhan ah Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online

KISMAAYO, Soomaaliya - Ciidanka Jubbaland ayaa Maanta kala wareegay Al-Shabaab degaanka Janaay Cabdalla, oo ku yaalla duleedka magaaladda Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyadoo aan dhicin wax dagaal ah.

Degaanka oo Al-Shabaab u ahayd il dhaqaalo, oo u taallay Bar-koontarool oo canshuur gaadiidka uga qaadi jirtay ayaa hadda xaaladiisu degan tahay, iyadoo Ciidamada Jubbaland difaacyo ka sameysteen duleedka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.