Amiirka Al-Shabaab oo xanuunsan, xukunka oo lala wareegay

Tan iyo markii Mareykanka uu duqeynta ku dilay Axmed Godane, Sep. 2014, Al-Shabaab awoodeeda dhulka ay haysato way sii wiiqmaysay, laakiin khatarteeda isma bedelin oo sidii ayay weeraro u fulinaysaa.

Warar Keydmedia Online
Amiirka Al-Shabaab oo xanuunsan, xukunka oo lala wareegay

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka NISA ayaa sheegtay inuu xanuunsan yahay amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye [Abuu Cubaydah], sidaas darteedna xukunka uu ugu wareejiyay ku-xigeenkiisa Abuukar Aadan.

Abuukar ayaa xilka si KMG ah usii heyn doono illaa hogaamiye cusub laga dooranayo.

NISA waxay kaloo sheegtay inuu soo xoogeystay Khilaafka Abu Cubaydah iyo Mahad Karataay, oo madax u ah garabka Sirdoonka [Amiyaatka], kaasoo doonaya in la bedelo hogaanka Kooxda, maadaama uu yahay nin xanuunsan oo shaqada sii wadi karin.

"Sababo caafimaad awgeed, ayaa awoodii horjoogaha Maafiyada AS si KMG ah loogu wareejiyey abukar Aden, oo ah ku xigeenkiisa, waxaana loolan culus ka dhaxeeyaa garabka Mahad Karateey & garabka Diiriye oo ku hardamaya sidii loo magacaabi lahaa horjooge cusub," ayay NISA kusoo qortay Twitter-ka.

Keymedia Online ayaa 17 April 2020 soo qortay Khilaafka hogaanka Al-Shabaab, oo gaarey hadda inay Kooxda labo garab u kala jabto, kuwaasoo kala taabacsan Axmed Diiriye iyo Mahad Karataay, iyagoo ku dagaalamaya Jubbooyinka. [Halkan ka akhri warbixintii hore]

Al-Shabaab ayaa dhibaato wayn ku haysan dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxayna dishay kumanaan qof mudadii 12-ka sano ee dagaalka kula jirtay dowladda iyo AMISOM, iyadoo weeraradeeda gaareen dalalka deriska, sida Kenya.

Dagaalka gudaha Kooxda ka socda waa mid fursad u ah dowladda iyo Ciidamada Shisheeye ee dalka ku sugan, waa hadii ay doonayaan inay ka faa'idaystaan oo ay wiiqaan awoodeeda, sidoo kalena wareegaan dhulka ay maamusho.

Hogaanka NISA, Fahad Yaasiin oo ah shaqsi lagu tuhmayo inuu u janjeero dhanka argagaxisadda ayaa mudooyinkii dambe billaabey inuu baraha bulshadda Hay'adda Sirdoonka Qaranka ku baahiyo xogo ku saabsan arrimaha gudaha Al-Shabaab ka jira, taasoo lagu dhaliilay inaysan munaasab ahayn inuu la wadaago dadweynaha.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.