Amniga Gaalkacyo oo la isku kaashanaya

Kulanka gudiga amniga Mudug ayaa laga soo saarey qodobo ay kamid yihiin in Galmudug iyo Puntland ay iska kaashadaan sugida amaanka magaaladda Gaalkacyo.

Warar Keydmedia Online
Amniga Gaalkacyo oo la isku kaashanaya

GAALKACYO, Soomaaliya - Saraakiisha gudiga isku dhafka ee amniga gobolka Mudug ayaa kulan ay yeesheen ku gaarey go'aanno ku saabsan sidii la isaga kaashan lahaa kahor tagista weerarada argagaxiso ee Al-Shabaab iyo xoojinta nabadda.

Waxay ku heshiiyeen labada Maamulka ee ka dhaxayso Gaalkacyo maamulkeeda ee Puntland iyo Galmudug inay Ciidamadooda ay si wadajir ah uga howlgalaan Koonfurta iyo Waqooyiga Magaaladda.

Arintan ayaa ka dambeysay markii ay soo kordheen qaraxyada Al-Shabaab ee Gaalkacyo, iyadoo midkii ugu dambeeyay ee ka dhacay afaafka Garoonka Kubada Cagta lagu dilay dad badan oo ay ku jireen taliyeyaashiisa taliska 21-aad ee Ciidanka xoogga dalka.

Puntland ayaa walaac ka muujisay weerarada sii kordhaya, iyadoo dhawaan Kooxda Al-Shabaab dil ugu hanjabtay gudoomiyaha Mudug C/ladhiif Sanyare kadib markii uu sheegay inaysan qiimo ugu fadhin masaajida, islamarkaana uu xirayo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.