Howlgal ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo

Howlgalka ayaa yimid kadib markii Habeenkii Jimcaha Qarax lagula eegtay Ciidanka Puntland nawaaxiga Iskuulka Cumar Samatar ee Waqooyiga Gaalkacyo.

Warar Keydmedia Online
Howlgal ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo

GAALKACYO, Soomaaliya - Dhowr qof oo la tuhmaya inay Al-Shabaab katirsan yihiin ayaa lagu qabtay Howlgal Ciidanka Puntland ka sameeyeen qeybta Waqooyi ee Gaalkacyo.

Lama sheegin tirada dadka la qabtay iyo magacyadooda, balse Saraakiisha booliska waxay shaaciyeen inay hayaan tobanaan dhalinyaro oo su'aallo lagu waydiinayo Xabsiga, si loo kala saaro argagaxisadda iyo kuwa aan dembiga lahayn.

Gaalkacyo oo kala qeybsiga Puntland iyo Galmudug waxay ahayd meel dagaallo ay ka dhacaan, waxaa ugu darsoomey qaraxyadda Al-Shabaab oo lagu dilay Mas'uulyiin sare oo uu kamid ahaa Gudoomihii Mudug iyo taliyeyaal Ciidanka DF kamid ahaa.

Bishii December Qarax Is-miidaamin ahaa oo ka dhacay afaafka Garoonka Kubadda ee Koonfurta magaaladda ku yaalla ayaa waxaa lagu dilay 6 Sarkaal oo hogaaminayay Ciidanka qeybta 21aad ee gobollada Dhexe.

Al-Shabaab oo dagaalka Koonfur ka socda looga adkaadey ayaa u wareegatay Galmudug iyo Puntland, oo ay kusoo qulqulayaan dagaalyahanadeeda, oo dhanka badda ka galaya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.