Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Cadaado

Safarka Axmed Madoobe ee Cadaado ayaa ku soo aadayo xilli madaxweyne Farmaajo uu ku wajahanyahay Dhuusamareeb.

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Cadaado

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha maamulka Jubabalnd Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, kalkaasoo si diiran loogu soo dhaweyay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka soo duulay magaalada Garoowe halkaas oo ay uga qeyb galeen aaska Allaha u naxariistee Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Xaashi Cabdi.

Axmed Madoobe ayaa Degmada Cadaado ku dhashay, isagoona ilaa yaraantiisa  ku bar-baaray, waxaana xusid mudan in Aabihiis Maxamed Islaam uu Cadaado ka ahaa Sheekh Kitaabada cilmiga laga raacan jiray, arday bandanna ay ka aflaxeen.

Bulshada iyo maamulka Cadaado ayaa si weyn u soo dhaweey, waxeyna dadweynaha soo dhaweyntiisa ka qeyb qaatay kor u hayeen Sawiradiisa, Calanka Soomaaliya iyo calanka astaanta u ah maamulka Jubbalanad.

Safarka Axmed Madoobe oo haatan mid booqasho ah ayaanan xog badan laga heynin, waxaana xusid mudan in Axmed Madoobe uu u sii gudbi doono magaalada Dhuusamareeb oo ay taallo gogosha shirka dowladda dowladaha xubnaha ka ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.