Barakac xoog leh oo ka socda Boosaaso [Sawirro]

Magaaladda ayaa ka socota duqeymo xoog leh, oo lagu garaacayo xaafadaha tan iyo xalay, iyadoo dhowr hoobiye ay ku dhaceen guryo shacab degan yihiin.

Warar Keydmedia Online
Barakac xoog leh oo ka socda Boosaaso [Sawirro]

BOOSAASO, Soomaaliya - Boosaaso waxay marti-gelinaysaa dagaal sokeeye, oo u dhaxeeya Ciidamo kawada tirsan Maamulka Puntland, oo isku haya gacanta ku heynta hay'adda PSF.

Kumanaan qof ayaa tan iyo Talaadii ka cararay magaaladda, oo hadda wali uu ka socda dagaal qaraar, oo dhinacyada isku ridayaan hubka culus, oo hoobiyeyaal ay ku jiraan.

Dadkii ugu badnaa ayaa ka barakacay Boosaaso, iyadoo sawiro maanta laga soo qaadey wadooyinka ay muujinayaa qoysaska qax ah, oo gaadiid saaran, qaarna cagta maalaya.

Dagaalka ayaa xalay dib u billowday, iyadoo uu burburay heshiis xabad-joojin ah, oo shalay dhinacyada gaareen, waxaana fashilmay dadaaladii ay odayaasha wadeen ee joojinta colaadda.

Colaadda Boosaaso ayaa ka dhalatay xilka qaadis uu Deni 24-kii November ku sameeyay agaasimihii PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, kaasoo diidey digreetada Madaxweynaha Puntland.

Reer Diyaano ayaa mudo maamulayay hay'adda PSF oo Mareykanka dhaqaale badan siiya, iyadoo kala shaqeysa dhanka la dagaalanka argagaxisadda Buuraleyda Galgala, ee G/Bari.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.