Farmaajo oo lagu eedeeyay hurinta dagaalka Boosaaso

Duqa Boosaaso ayaa dhawaan sheegay in Ciidanka Gogor ay ka dagaalamayaan magaaladda, iyagoo caawinaya taliyihii PSF-ta ee xilka laga qaadey bishii hore.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo lagu eedeeyay hurinta dagaalka Boosaaso

MUQDISHO, Soomaaliya - Xisbiga Mucaaradka, ee Wadajir kaasoo uu hogaamiyo Musharax C/raxmaan C/shakuur, ayaa soo saarey shalay war-saxaafadeed uu uga hadlay dagaalka Boosaaso, oo saddexdii maalin ee lasoo dhaafey lagu dilay in ka badan 20 qof oo shacab iyo askar isagu jiray, halka kumanaan ay ku barakaceen.

Marka hore Xisbiga wuxuu muujiyay inuu aad uga xun yahay dagaalka, waxaana uu soo dhaweeyay xabad-joojinta labada dhinac - PSF iyo maamulka Deni ay wada galeen iyo in colaadda lagu soo afjaro qaab wadahadal ah.

Xisbiga Wadajir ayaa sheegay inuu ka warqabo in dagaalka Boosaaso hurintiisa ay ku lug leedahay Villa Soomaaliya, gaar ahaan Farmaajo, isagoo ka leh ujeedo siyaasadeed, maadaama ay is khilaafsan yihiin Deni.

Tan iyo xiligii uu talada dalka la wareegay Maxamed C/llaahi Farmaajo, dagaallo sokeeye ayaa ka dhacay magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee Galmudug, Beled-xaawo oo katirsan Jubbaland, Baydhabo oo Koonfur Galbeed kamid ah, Beledweyne oo hoostagta HirShabeelle, Banaadir iyo Boosaaso," ayaa lagu yiri qoraalka.

Eedeynta Xisbiga waxay xoojinaysaa hadal uu dhawaan sheegay Duqa Boosaaso Cabdiqani Axmed Ismaaciil Deera-dile, ee ahaa in Ciidanka Gogor ay ka dagaalamayeen magaaladda, iyagoo caawinaya taliyihii PSF-ta ee xilka laga qaadey bishii hore.

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.