Cabdi Xaashi oo gaarey Dhuusamareeb

Madaxweyne Qoor Qoor iyo Mas'uuliyiin kale ayaa Madaxtooyadda Galmudug kusoo dhaweeyay wafdiga gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online

DHUUSAMAREEB - Waxaa Maanta oo Khamiis ah Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug gaaray wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi, iyadoo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Ujeedka safarka Cabdi Xaashi ee Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay inuu ku qotomo ka qeybgalka munaasabadda furitaanka kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Galmudug, oo caawa la filayo inay dhacdo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.