Caqabad soo wajahday Isbedelka Qoor-Qoor ee Galmudug

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa dhawaan shaaciyay inay magaalo kasta oo kamid ah Galmudug loo sameyn doono Golle degaanka, si shacabka ay usoo doortaan hogaamiyaasha ay doonayaan, oo aan dusha looga keenin.

Warar Keydmedia Online
Caqabad soo wajahday Isbedelka Qoor-Qoor ee Galmudug

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi wayeel) oo ah Wasiirka Wasaradda Arimaha Gudaha Federalka iyo Dib-u- Heshiisiinta Galmudug ayaa sheegay inuu wado qorsho ah inay dhamaan degmooyinka ka dhisaan Golle degaan si dadka ku nool ay u doortaan mas’uulkii hogaamin lahaa.

Laakiin, wuxuu Wasiirka shaaciyay inay jiraan dad kasoo horjeeda qorshahan, oo doonaya in sidii hore lagu sii jiro, iyagoo ujeedkoodu yahay inay ilaashadaan dantooda gaarka ah, oo aan shacabka horumarkooda ka fekeraynin.

Inkastoo Gaalkacyo leedahay Golle degaan, haddana waxay caqabad ka taagan tahay Cadaado iyo Cabudwaaq, oo ah magaalooyinka ugu dadka badan Galmudug, kuwaasoo mudo dheer ay ka jiraan maamul qabiil ku saleysan.

“Waa iska jira dad diidan arimahan Gollaha deeganka, oo markii laga hadlayo guryaha gadaashooda dadka ugu waramaya oo waxaan sal lahayn dadka u sheegaya, laakin anaga go’aan keena waxa weeye in Gollaha Deeganka la dhiso," ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay kulan ka dhacay Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, halkaaso oo uu shirar kala duwan kula leeyahay mas'uuliyiinta degaanka oo kala shaqeynaya dhismaha gollaasha degaanka.

Tan iyo doorashaddii Qoor Qoor bishii Febuary 2020, waxaa laga dareemayay Galmudug dabeyloo isbedel-doon ah, iyadoo heshiis la dhex dhigay qabaa'illo mudo dheer dagaal u dhaxeeya, waxaana socda mashariic ay kamid tahay dhismaha dekadda Hobyo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.