Ciidan kale oo lagu soo tababarey Eritrea oo kusoo wajahan Muqdisho

Keydmedia Online ayaa ah warbaahintii ugu horeysay oo shaaca ka qaadey in Eritrea ay usoo dirtay Muqdisho Ciidamo badan oo Sirdoon ah oo dalkeeda kusoo tababartay.

Warar Keydmedia Online
Ciidan kale oo lagu soo tababarey Eritrea oo kusoo wajahan Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Xog cusub oo Keydmedia Online ka heshay Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegaysa in 3,000 oo askari oo lagu soo tababaray dalka Eitrea ay Todobaadka soo socda kasoo degi doonaan Garoonka Muqdisho.

Waa qeybtii 3aad oo mudo lix bilood gudahooda ka keenayo Caasimadda, kadib markii tababar kusoo qaateen Eritrea, waxaana loo diyaariyay saldhiga gaar ah, oo loogu tala-galay inay kusii jiraan inta looga dhameystirayo tababarada u dhiman ee la xiriira shaqadda NISA, iyagoo kadibna toos u billaabanaya howlgalkooda dhanka Sirdoonka.

Bishii September ee sanadkan ayay Keydmedia Online daabacday Warbixin ku saabsan in 400 oo askari, oo si qarsoodi ah tababar ugu soo qaatey gudaha dalka Eritrea laga soo dejiyay Muqdisho, iyadoo ay kasii horeeyeen qeyb kale oo 29 July 2020 ka keenay.

Fahad Yaasiin oo xiriir dhaw la leh Eritrea ayaa wata qorshahan Ciidanka Sirdoonka dalkaasi loogu soo tababarayo, iyadoo ujeedka uu ka leeyahay lagu sheegay inuu doonayo awoodiisa inuu kusoo ballaariyo Soomaaliya, isagoo adeegsanaya hay'adda Nabad Sugida NISA.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Todobaadkii hore tagey Eritrea oo mudo labo maalmood ah joogay, isagoo booqday xeryaha lagu tababarayo askarta NISA.

Sidoo kale, Fahad Yaasiin wuxuu ka shaqeynayaan in Farmaajo xukunka kusoo laabto, islamarkaana ka dhigto NISA gaashaan uu isaga difaacao mucaaradka aan la dhacsanayn siyaasadiisa, kuwaasoo tan iyo 2017 ku hayay cadaadis, caburin iyo xarig joogto ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.