Ciidanka Eritrea oo Shacab ku xasuuqay gobolka Tigray

Abiy Axmed ayaa dhawaan xaqiijiyay in Ciidamo ka socda dalka ay deriska yihiin ee Eritrea inay ku sugan yihiin Itoobiya.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka Eritrea oo Shacab ku xasuuqay gobolka Tigray

ADDIS ABABA - Ciidamada Eritrea ee ku sugan Itoobiya ayaa lagu eedeeyay inay gobolka Tigray ku dileen 9 qof oo shacab ah xili ay jiraan eedeymo ku saabsan in xasuuq uu ka dhacay waqooyiga Itoobiya intii uu socda dagaalka ka dhanka ah TPLF.

Berhane Gebretsadik, oo ah gudoomiyaha gobolka Tigray ayaa sheegay in carruur iyo haween ay kamid yihiin dadka ay Ciidamada Eritrea ku xasuuqeen degmada Adwa, halkaasoo kamid ah meelaha xasuuqa iyo isir-sifeynta ay ka dhacayaan.

Dad badan oo dhaawacyo qaba ayaa la geeyay Kidane Meheret hospital oo Adwa ku yaalla, kuwaasoo dhaqaatiirka u sheegay in askar Eritrean ah oo baabuur saaran ay rasaas ku fureen iyagoo wadada socda.

Ciidamada Eritrea ayaa galay gobolka Tigray November 2020, iyagoo ka barbar dagaalamay Ciidanka Federaalka Itoobiya oo gobolka Tigray ka saareen Jabhadda TPLF oo mudo dheer xukunka dalka haysatay.

Billene Seyoum, oo ah Afhayeenka Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa beeniyay wararka ku saabsan in Askar u dhashay Eritrea ay dad shacab ah ku dileen Adwa, isagoo sheegay in TPLF oo soo xirtay dareeska Ciidanka Eritrea ay geysanayaan falalka xasuuqa ah.

Amnesty iyo hay'ado kale oo kuwa xaquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in gobolka Tigray lagu dilay dad badan oo Caruur iyo dumar ay ku jiraan, waxayna sheegeen in dowladda Eritrea demibiyo dagaal ka geysatay Itoobiya.

Ciidamo Soomaali ah oo Fahad Yaasiin tababar ugu diray Eritrea ayaa la sheegay dhawaan inay ka qeyb-qaateen dagaalka gobolka ee lala galay Kooxda TPLF.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.