Dagaal ka dhacay Gobolka Nugaal

Dagaalka ayaa ka dhashay bur-burin ay Ciidamada Puntland ku sameynayeen dhismooyin ku yaalla degmada Burtinle, ee gobolka Nugaal.

Warar Keydmedia Online

BURTINLE, Soomaaliya - Laba qof oo mid kamid ah uu yahay Shacab ayaa ku geeriyoodey, halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen dagaal u dhaxeeya rag hubeysan iyo Ciidamada Puntland oo maanta ka dhacay degmada Burtinle, ee gobolka Nugaal.

Goobaha la burburiyay ayaa wuxuu maamulka degmada sheegay in markii hore si sharci darro ah loo dhistay, iyadoo ay dadkii deganaa diideen amar lasoo saarey, taasoo keentay in gacanta la iskula tago.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.