Dagaal culus oo ka qarxay Muqdisho

Isgoyska Digfeer gaar ahaan waddada aadda Isgoyska Banaadir waxaa ku yaalla control ay ciidamada Booliska gaadiidka ku hubiyaan.

Warar Keydmedia Online

Ugu yaraan hal ruux oo askari ahaa ayaa ku geeriyooday tacshiirad goordhaw Isgoyska Digfeer ee Muqdisho ku dhex martay Ciidan kawada tirsan Booliska iyo Militeriga. 

Sidoo kale, labo ruux oo shacab ah, oo mid haweeney tahay ayaa israsaaseynta ku dhaawacmay, sida dadka deegaanka sheegayaan. 

Isgoyska Digfeer gaar ahaan waddada aadda Isgoyska Banaadir waxaa ku yaalla control ay ciidamada Booliska gaadiidka ku hubiyaan.

Wixii kusoo kordho, kala soco KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.