Deni iyo Axmed Madoobe oo 3 shardi ku xiray ka qeybgalka Shirka Dhuusamareeb

Wafuuda Farmaajo, Maamullada Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle ayaa ku sugan magaaladda Dhuusamareeb, halkaasi oo shalay ay gaareen.

Warar Keydmedia Online
Deni iyo Axmed Madoobe oo 3 shardi ku xiray ka qeybgalka Shirka Dhuusamareeb

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda Maamullada Puntland iyo Jubaland ayaa caqabad ku noqday furitaanka Shirka Dhuusamareeb, iyagoo aan wali tagin magaaladda oo ay ku sugan yihiin Madaxweyne Farmaajo, Waare iyo Lafta-Gareen.

Ilo wareedyo ku kala sugan Kismaayo iyo Garowe, ayaa u sheegay Keydmedia Online in Deni iyo Axmed Madoobe ay xalay kuwada hadleen Taleefonka iyagoo ku heshiis inaysan ka qeybgalin wajiga 2aad ee Shirka Maamullada iyo DF, illaa laga fuliyo sharuudo ay Villa Somalia hordhigeen.

Waxay doonayaan Deni iyo Axmed Madoobe in kahor Shirka uu Farmaajo magacaabo Ra'iisul Wasaare, in beesha Caalamka goobjoog ahaato iyo in heshiisyadii lagu gaaro kulanka aan la horgeynin Baarlamaanka Soomaaliya.

Shalay ayuu Farmaajo ka sheegay Gollaha Shacabka inuu Baarlamaanka kusoo celin doono heshiis walba oo Dhuusamareeb lagu gaaro oo u dhaxeeya dowladdiisa iyo Mamaul Goboleedyada dalka. [Halkan ka daawo Khudbadda Madaxweynaha]

Puntland iyo Jubaland oo xulufo ahaa tan iyo doorashadii Farmaajo Febuary 2017, ayaa sheegay in iyadoo aan dalka ka jirin xukuumad rasmi ah oo fulisa qodobada lagu heshiiyo Shirka Dhuusamareeb aysan tagi doonin madasha.

Shuruudaha labada Maamul ayaa ah kuwa culus, oo hadda Farmaajo maalmo ku fulin karin, waxayna khatar gelinayaan qabsoomidda Shirka la filayay in heshiis looga gaaro nooca doorashadda dalka, oo labada dhinac ku kala aragti duwan yihiin.

Madaxweyne Qoor-Qoor oo shirka marti-gelinayaa isku dayaya inuu ku qanciyo Deni iyo Axmed Madoobe inay yimaadaan Dhuusamareeb, islamarkaana wixii ay tabanayaan miiska soo saaraan, iyago horfadhiya Madaxweyne Farmaajo.

Maamul Goboleedyada waxay doonayaan in doorasho dadban la qabto October 2020, halka Farmaajo ku adkaysanayo go'aankiisa doorashadda qofka iyo codka ah, oo gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Xaliimya Yareey sheegtay June inaysan suurta-gal ahayn.

Xaliima Yareey oo Xafiiskeeda Villa Soomaaliya ku dhex-yaallo ayaa Baarlamaanka kahor sheegtay inay u baahan tahay 13 bilood oo dheeraad ah in loogu daro, si ay doorashada qofka iyo codka ah u dhaco, taasoo loo arkay arinta loogu goqol-xaarayo mudo-korarsi.

Laakiin, dalalka Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa diiday dib u dhigis doorashadda lagu sameeyo iyo mudo-korarsi, iyadoo qoraal ay Jimcihii soo saareen ku sheegay in Shirka Dhuusamareeb muhiim u yahay marxaladda kala-guurka iyo hanaanka doorashooyinka. [Halkan ka akhri Warka].

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.