Deni oo xaqiray horumarka Muqdisho: “Wax is-bedel ah kama jiro”

Deni ayaa hadaliisa ka muuqday xaqiraad uu ku samaynayo horumarka dhinaca dhismooyinka iyo ganacsiga ay ku tallaabsaday Caasimadda Soomaaliya, oo hadda ka duwan sidii hore.

Warar Keydmedia Online
Deni oo xaqiray horumarka Muqdisho: “Wax is-bedel ah kama jiro”

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa si yas iyo xaqiraad ay ku jirto u sheegay in Muqdisho aysan sameynin wax horumar ah, oo kusoo kordhay mudadii ku dhawaadka afarta sano ee uu ka maqnaa.

Hadalkan Deni oo dad badan u fasirtay siyaabo kala duwan, ayaa u muuqday inuu ku daboolayo xaaladda dhabta ah ee ka jirta Magaaladda, taasoo ay qireen Madax Soomaali iyo ajnabi isagu jira oo horey usoo booqday.

"Aniga hadda afar sano ku dhawaad ayaan ka maqnaa, intii aan Muqdhso joogay maalmahan wax is-bedel ah kuma arkin. Wadada hadda aan soo maray waan indha-indhaynayay wax u kordhay malahan, bulshaddu sidii bay wali u cabsanaysaa," ayuu yiri Deni.

Waxuu doodiisa xaqiraadda horumarka jira ku dhisay hal wado oo uu soo maray, taasoo meelaha qaar dhagxaan sababo amni loo dhigay, gaar ahaan huteello, Xarumo dowladeed iyo goobo hay'addo ajnabi degan yihiin hortooda, kuwaasoo ku yaalla inta u dhaxaysa Garoonka diyaaradaha iyo KM4, taasina ay caadi ka tahay dal walba oo colaad ku jira.

Dhinac amniga hadii uu Deni ula jeedo, waxay siyaasiyiinta qaar sheegeen in Puntland aaney nabad ahayn, oo ay Daacish iyo Al-Shabaab ka fulinayaan qaraxyo is-miidaamin ah oo ugu dambeeyay kuwii sanadkaan lagu dilay gudoomiyeyaashii Nugaal iyo Mudug.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.