DF oo guulo ka sheegatay dagaalka Al-Shabaab

Jeneraal Axmed Tareedishe ayaa u sheegay warbaahinta in Al-Shabaab ay khasaaro culus ku gaarsiiyeen dagaalkii Maanta, oo ahaa mid qeyb ka ah howlgalka socda.

Warar Keydmedia Online
DF oo guulo ka sheegatay dagaalka Al-Shabaab

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Sarkaal katirsan Ciidanka DF ayaa sheegay inay guulo la taaban karo ka gaareen dagaalka Al-Shabaab lagula jiro, oo hadda galay waji cusub kadib markii madaxda dalka shaaciyeen inay doorashao qabanayaan sanadkan.

Jeneraal Tareedishe ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in dagaal Maanta ay Al-Shabaab kula galeen nawaaxiga degmada Buulo-burte ay ku dileen 24 kamid ahaa Kooxda xagjirka ee dhibaatada ku haysa amniga dalka.

Ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashadda Jeneraal Tareedishe, ee ku saabsan dilka 24-ka dagaalyahan ee Al-Shabaab katirsan, waxaana muuqata in dhinacyada ay xooga saarayaan dagaalka Hiiraan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mudadii uu xafiiska joogay ka gaabiyay amniga dalka, oo faraha ka baxay iyo siyaasadda oo fashil wayn ka jiro kadib markii lagu guuldareystay in doorashooyinka lagu qabto waqtigooda, sidoo kalena ay noqdaan qof iyo cod.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.