DF oo shuruudo kusoo rogtay dadka Wadanka soo galaya

Golaha Wasiirada xilka sii-haya, ayaa 30-kii July ku dhawaaqay in dib loo furayo duulimaadyada Caalamiga ah 3-da bisha August oo ku beegan maalintaberri, oo Isniin ah.

Warar Keydmedia Online
DF oo shuruudo kusoo rogtay dadka Wadanka soo galaya

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha [Immigration] ayaa sheegtay in dadka dalka soo galaya ee dibadda ka imaanaya laga doonayo inay haystaan shahaado caafimaad oo muujineysa inay iska baareen cudurka COVID-19, oo laga waayey.

Qof kasta oo Wadanka soo galaya waxaa laga doonayaa in uu haysto shahaadada caddeyneysa in uusan qabin caabuqa COVID19 uuna qaatey ugu badnaan 72 saacadood kahor safarka (COVID19 negative Certificate), taasoo qeyb ka ah siyaasadda loo dejiyay ka hortagga COVID-19, oo u geeriyootay 92 tan iyo March 2020.

Go’aankan cusub ee DF, ayaa saameynaya kaliya dadka diyaaradaha ku yimaada Soomaaliya, maadaama la ogyahay dowladda inaysan maamulin xuduudaha dhulka iyo badda oo u furan cid walba oo doonaysa inay soo gasho dalka.

Gollaha Wasiirada ee dhawaan Baarlamaanka Kalsoonida kala noqday ayaa 30-kii July isku raacay in dib loo furo duulimaadyada Caalamiga ah laga billaabo 3-da bisha August oo ku beegan maalinta berri ah, waxaana arintan soo dhawaayay dad badan oo Soomaali ah oo ku xayirnaa gudaha dalka iyo dibadda mudo 5 bilood ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.