DF oo wafdi u dirtay Beledweyne oo xiisad ka taagan

Safarka Wasiirka ayaa salka ku hayo arrimo dib u heshiisiin iyo soo afjaridda khilaaf ka taagan dhismaha maamulka cusub ee Hirshabeelle, oo laga diiday Hiiraan.

Warar Keydmedia Online
DF oo wafdi u dirtay Beledweyne oo xiisad ka taagan

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax, ayaa Maanta oo Khamiis ah booqashadiisii ugu horeysay ku tagey magaaladda Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ujeeeka socdaalka Wasiirka ayaa ah inuu ka shaqeeyo sidii heshiis lagu dhex dhigi lahaa nin hogaamiye Jabhad qabiileed oo Jeneraal Xuud lagu magacaabo, kaasoo u diiday Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle Cali Guudlaawe inuu tago Beledweyne.

Kulamo ayaa lagu wadaa in wafdiga Wasiirka Beledweyne kula yeeshaan Jeneraal Xuud iyo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, si loo dhameeyo khilaafka jira islamarkaana loo qanciyo bulshada tabashada qabta.

Malleeshiyaadka Jeneraal Xuud ayaa ku sugan duleedka Beledweyne, iyagoo wacad ku maray inay dili doonaan Cali Guudlaawe hadii uu tagao magaaladda, taasoo cabsi gelisay Madaxweynaha cusub.

Hirshabeella ayaa wajahaysay kala qeybsanaan iyo mucaarado gudaha ah oo ka dhashay khilaafaad ay dowladda Farmaajo abuurtay, oo ay kamid tahay inay afduubtay doorashadii Jowhar iyo inay xilka Madaxweyne ka wareejisay Beeshs Xawaadle, una dhiibtay Abgaal.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.