Dhaqaalaha Somaliland oo hoos u dhac weyn ku yimid

Maamulkan oo aan lahayn illo dhaqaale oo aad u badan ayaa dhawaan qaadey bandowgii saarnaa degaanadiisa, kadib markii shacabka dhibaato kala kulmeen xayiraadda COVID-19.

Warar Keydmedia Online
Dhaqaalaha Somaliland oo hoos u dhac weyn ku yimid

HARGEYSA, Soomaaliya - Miisaaniyadda maamulka Somaliland ayaa hoos u dhac 10% ku yimid sanadkan 2020 xili Muuse Biixi heshiiskii uu la galay Taiwan ee xiriirka diblomaasiysadeed kala kulmay Shiinaha Cadaadis ku aadan inuu joojiyo.

Dhowr arrimood ayaa sabab u ah hoos u dhaca dhaqaalaha, kuwaasoo ay kamid yihiin COVID-19, Xoolihii Xajka loo diri jiray oo sanadkan la dhoofin, dadkii dalxiiska ee qurbe joogta oo imaan, anyax beeraha ku habsaday iyo dalxiiskii oo baaqday.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Xukuumad ahaan markii hore isku diyaariyeen hoos u dhaca dhaqaalaha ee uu sababay COVID-19, isagoo rajo ka muujiyay in isbedel uu imaan doono billooyinka ama sanadaha soo socdo.

Duulimaadka iyo isku socodka ayay Somaliland dib u fasaxday markii dhaqaale xumada la kulantay, waxayna hadda ka shaqeynasaa wax ka qabashada sicir barar ku yimid maciishadda, maadaama dalka Itoobiya alaabihii uga imaan jiray joogsadeen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.