Dibadbaxyo Maalintii labaad ka soconaya Laascaanood

Maamulka gobolka Sool oo arintaan ku soo baxay ayaa isku dayaya in uu wax ka qabto cabashada gaadiidleyda banaanbaxyada dhigaya.

Warar Keydmedia Online
Dibadbaxyo Maalintii labaad ka soconaya Laascaanood

LAASCAANOOD, Soomaaliya – Waxaa maalintii labaad Magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool ka soconaya banaanbaxyo rabshado wata, oo ay dhigayaan wadayaasha ku shaqeysta Gaadidka loo yaqaan Mooto Bajaajka.

Mudaharaadyada ayaa bilowday shalay kadib markii Ciidamada Booliska xireen qaar katirsan wadayaasha Mooto Bajaabka ee aan heysan Ruqsadda wadista Gaadiid ee License-ka.

Darawalada Mooto Bajaajka ayaa ku andacoonaya in aysan heysan dhaqaalo ay ku jartaan License-ka, iyagoo sheegay in maamulka lacagta uu ku kordhiyay, taasoo aysan awoodin inay iska bixiyaan, maadaama dhaqaalaha soo galaya uu aad u yaryahay.

Dibadbaxyadaan ayaa sababay in ay xirmaan Ganacsiga magaalada, waxaana Waddooyinka soconaya dadweyne careysan, kuwaasoo taageero uu muujinaya darawalada Mooto Bajaajta oo cabashada ka ah maamulka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.