Dil ka dhacay Muqdisho

Dilalka ay askarta dadka shacabka ah u geysanayaan ayaa dhawaanahaan ku soo badanayay magaaladda Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Dil ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya – Sida ay kusoo waramayaan dad goobjoogayaal ah, askari katirsan Ciidamada dowladda ayaa saakay wiil dhalinyro ahaa ku dilay agagaarka Ex-control Afgooye ee Muqdisho.

Dilka ayaa yimid kadib markii sida la sheegay uu wiilka iyo askariga uu muran soo kala dhex galay, kaasoo ku aadan in wiilka uu soo dhex maray waddada dhismaha ka socda ee Muqdisho iyo Afgooye oo la sheegay in aan loo ogoleyn dhex maritaankeeda.

Askariga oo ka tirsanaa ilaalada waddada ayaa si bareer ah u toogtay wiilka, oo lagu magacaabi jiray Catoosh Cali Xaaji, sida uu qof goobjooge ah u xaqiijiyay Keydmedia Online. Ilaa iyo hadda faah-faahin intaas ka badan lagama hayo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.