Doorashadda Somaliland oo la musuq-maasuqay

Rabshado ayaa ka socda qaar kamid ah degaanada Somaliland kadib markii la masuq-maasuqay doorashadda.

Warar Keydmedia Online
Doorashadda Somaliland oo la musuq-maasuqay

HARGEYSA, Soomaaliya - Boqolaal dadweyne ah oo careysan ayaa banaanbax ka dhigay wadada isku xirta Hargeysa iyo Gibiley, kadib markii la musuq-maasuqay doorashadda gollayaasha degaanka iyo mida Baarlamaanka.

Dibadbaxa wuxuu xoogiisa ka dhacay tuulada Caro-Yaambo oo dadka ku gubeen saakay taayaro, waxaana la hakiyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha oo aan isaga kala gooshi karin Maanta Hargeysa iyo Gibiley.

Dadka banaanbaxayaasha ayaa waxay ka careysan yihiin in uu doorashada codadka lagu shubtay, islamarkaana uu kusoo bixi waayay Musharaxiintii ay u codeeyeen dadka reer Gibiley, ee ka socda xisbiga UCID oo Faysal Cali Waraabe uu hogaamiyo.

Natooyiin hordhac ah ayuu gudiga ku dhawaaqay maalmihii lasoo dhaafay, waxaana ku horeeya xisbiga talada haya ee Kulmiye, kaasoo lagu eedeeyay inuu musuq-maasuqay doorashadda Baarlamaanka iyo Gollayaasha degaanka, oo la qabtay 31-kii bishii May.

250 Musharax ayaa u tartamaysa kuraasta Baarlamaanka oo ka kooban 82, iyadoo ku dhawaad 1,000 Musharax u taagan yihiin Gollayaasha degaanka oo 249 kursiga ah, waxaana doorashadda ay noqonaysaa midii ugu musuqa badnayd.

Somaliland kama dhicin doorasho Baarlamaani tan iyo 2005, waxaana jira dib u dhacdo soo socday mudo 16 sano ah, iyadoo loo sabayeeyay khilaaf ka taagnaa xubnaha gudiga doorashadda oo ay ku murmeen UCID, KULMIYE iyo WADDANI.

Doorashadii Madaxtinimada Somaliland ee la qabtay December 2017, waxaa hareeyay rabshado dhiig ku daatey, kadib markii lagu murmay natiijadda gobollada qaar, sida gobolka Saaxil oo Berbera Caasimad u ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.