Dowladda Soomaaliya oo beenisay war kasoo baxay Kenya

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey sheegtay in aan weli caddeymo dhameystiran loo heynin shilka Diyaaradda Beledweyne.

Warar Keydmedia Online
Dowladda Soomaaliya oo beenisay war kasoo baxay Kenya

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay war lagu daabacay wargeysyada qaar ee dalka Kenya, oo ku aadan shilkii Diyaradeed ee 14-kii Bishan ku dhacday Garoonka Beledweyne.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya Axmed MacalinXasan ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin warka la baahiyay, ee la xiriiro in shilka uu sababay Dameer dhabbaha diyaaradda ku degto ee Garoonka soo galay.

“Waxaan idiin caddeynayaa in weli baaritaannadii ay socdaan, warbixin lasoo saareyna aysan jirin, illaa haddana ma heyno cadeymo muujinaya in shilkaas uu sababay dameer” ayuu yiri Maareeye Axmed Macallin Xasan.

Wargeyska Bussines Daily ee ka soo baxa Kenya oo xiganaya mas'uuliyiin katirsan maamulka shirkadda diyaaraddii bur-burtay ayaa warkaasi qorey.

Diyaaradda oo aheyd mid xamuul ah, kana soo duushay dalka Jabuuti ayaa sidday gargaar bini'aadanimo, oo loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed ee saameyntu ku yeelatay fatahaadii Beledweyne.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.