Dr. Bayle oo la kulmay IMF iyo World Bank 

Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Sii hayaha Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda ayaa kulan fogaan arag ah (Online) la qaatay xubno ka tirsan hay’addaha lacagta Aduunka ee IMF iyo World Bank. 

Warar Keydmedia Online
Dr. Bayle oo la kulmay IMF iyo World Bank 

Dr. Bayle iyo xubnaha IMF iyo World Bank ayaa kawada hadlay saameynta COVID-19 uu ku yeeshay dhaqaalaha Soomaaliya.

Kulankaan oo ay sidoo kale kasoo qeybgaleen Wasiiradda Maaliyadda ee Qaaradda Africa waxaana looga hadlay ka hortagga saameynta uu ku yeshay dhaqaalaha Africa COVID-19.

"Waxa aan ka qeyb galay shir ay wadajir u soo qaban qaabiyeen IMF iyo World Bank, isla markaana ay ka soo qeyb galeen Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika.oo aan ka wada hadalnay sidii aan isaga kaashan laheyn saameynta uu qaaradda ku yeeshay xanuunka Covid-19" Ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.