Duufaan ku dhufatay Puntland

Madaxweyne Deni ayaa gudi ka kooban 11 xubnood u magacaabey inuu soo qiimeeyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duufaanta iyo roobka is-wata.

Warar Keydmedia Online
Duufaan ku dhufatay Puntland

BOOSAASO, Soomaaliya - Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay, tirdo intaasi ka badana dhaawacyo ayaa kasoo gaarey duufaan roob iyo dabeylo wadata oo ku dhufatay shalay degaanada xeebta ee gobolka Bari, oo Puntland katirsan.

Duufaanta GATI oo ku socota xawaare sare, ayaa saameyn xoog leh ku yeelatay Xaafuun iyo Hurdiya, oo guryo badan oo ku yaalla cagta marisay, iyadoo xeebta laga helay meydadka 8 qof, oo 5 kamid ah ay yihiin Kalluumeysato u dhashay Yemen.

Badda ayaa ku fatahday degaanka Hurdiya, oo dadkii deganaa oo dhan laga saarey, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo inay duufaanta gaarto goobo cusub oo kamid ah dhul-xeebeedka gobolka Bari.

Ma jirin digniino hore oo la siiyay dadka, iyadoo hadda markii uu dhika dhacay lagu soo buraarugay, waxaana kumanaan qof noqdeen guro la'aan kuwaasoo dalbanaya in lasoo gaarsiiyo gargaar bini'aadanimo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.