Fahfaahin: Khasaaraha Qarax ka dhacay Muqdisho

Qofka is qarxiyay ayaa la sheegay inuu bartilmaameedsanayay Saraakiil NISA katirsan oo fadhisay Maqaayadda BLUE SKY, oo ku taalla albaabka bari ee Madaxtooyadda laga galo.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Khasaaraha Qarax ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Dad gaaraya illaa 5 qof, oo canug yar oo caseeye ahaa uu ku jiro ayaa ku dhimatay qarax Is-miidaamin ahaa oo galabta ka dhacay magaaladda Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Sarkaal booliska katirsan, oo la hadlay KON ayaa sheegay in qaraxa uu fuliyay nin naftii-halige ah oo beegsaday maqaayadda BLUE SKY oo xiligaasi ay ku jireen xubno katitsan Sirdoonka Soomaaliya.

Maqaayadda waxay ku dhegan tahay Koontaroolka bari ee laga galo xarunta Madaxtooyadda dalka, Villa Soomaaliya taasoo maalinta berri ah martigelinaysa Shir weyn ay isagu imaanayaan Farmaajo iyo Madaxda Maamullada.

Waxaa jira khasaaro dhaawac ah oo illaa 7 gaaraya, waxaana la dhigay dadkaasi Isbitaallada magaaladda qaarkood oo lagu daawaynayo. Askar iyo shacab ayay isagu jiraan kuwa dhintay.

Falalka amni darro iyo qaraxyada ayaa tan iyo bishii lasoo dhaafay kusoo badanaya magaaladda, iyadoo ay u muuqato inay Al-Shabaab ka faa'idaysanayso marxaladda kala-guurka ah, oo madaxda sare ay ku mashquuleen doorashooyinka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.