Fariin ka timid Amiir Qatar oo la gaarsiiyay Uhuru

Madaxtooyadda Kenya ma aysan shaacin waxa uu xambaarsan yahay dhambaalka Sheekh Thamim.

Warar Keydmedia Online
Fariin ka timid Amiir Qatar oo la gaarsiiyay Uhuru

NAIROBI, Kenya - Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa Maanta fariin gaar ah oo uga timid Amiira Qatar lagu gudoonsiiyay xafiiskiisa, waxaana arintan ay timid kadib markii Al-Qahtani uu booqasho maalmo qaadatey ku tagey Muqdisho.

Al-Qahtani oo ah ergayga Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan dhex-dhexaadinta colaadaha iyo la-dagaalanka argagaxisadda ayaa fariinta gaarsiiyay Uhuru Kenyatta, waxaana saacado kadib ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday inay soo celisay xiriirka Kenya.

"Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi ku gadoomay dhambaal qaas ah oo uga timid amiirka dowlada Qatar, mudane Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani," ayaa lagu yiri qoraal Madaxtooyadda Kenya soo saartay.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay labada dowladood uga mahadeclinayaan Amiirka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani doorka uu ka ciyaaray soo celinta cilaaqaadka labada Wadan.

Mudo lix bilood ah ayuu hakad ku jiray xiriirka labada dal, iyadoo hadda si caadi ah lagu soo celiyay kadib markii Farmaajo uu awoodda ku wareejiyay Ra'iisul Wasaare Rooble.

Qatar ayaa u muuqata inay aad u daneynayso arrimaha Geeska Afrika, iyadoo saameynta siyaasadeed ay kusii yeelanayso Soomaaliya iyo Kenya, waxayna tartan kula jirtaa Imaaraadka oo maalgashi ballaaran ku sameynaya dekadaha gobolka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.