Farmaajo oo afduubay doorashadda HirShabeelle

Ma ahan wax ku cusub dhegaha shacabka Soomaaliyeed doorasho maamul goboleed oo dowladda afduubtay, waa dhaqanka soo ifbaxay markii talada qabsaday Farmaajo 2017.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo afduubay doorashadda HirShabeelle

JOWHAR, Soomaaliya - HirShabeelle ayaa noqotay Maamulkii saddexaad oo Villa Somalia doorashooyinkooda afduubeyso tan iyo sanadkii 2018, waxaana Jowhar dhawaan tagi doono Musharax lagu diyaariyay Muqdisho, oo kasoo jeeda Beesha Abgaal.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa diyaarado lagu geynayay Jowhar Ciidamo uu tababaray Turkiga, oo loo yaqaano Haramcad, kuwaasoo shalay la wareegay Madaxtooyadda HirShabeelle iyo xarunta ay ka dhacayso doorashadda.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada cusub ee lagu dhawaaqay ay u badan yihiin shaqsiyaad Villa Soomaaliya soo xushay, oo loo diyaariyay inay u codeeyaan Musharaxa Farmaajo iyo Fahad Yaasiin soo caleemo-saareen.

December 2018, sida oo kale ayay Villa Somalia u afduubtay doorashadii Koonfur Galbeed, iyadoo Baydhabo ay ka dhaceen rabashado dad shacab ah lagu dilay, kuwa kalena lagu dhaawacay kadib markii Ciidanka DF ay rasaas ku fureen banaanbaxayaal.

February 2020, Galmudug waxaa ka dhacday doorasho aan si xor iyo xalaal ah musharaxiinta ugu tartamin, tasoo uu kusoo baxay Musharax dowladda wadatey Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo kamid ahaa wasiiradda Xukuumaddii Khayre.

Puntland iyo Jubbaland ayaa ka badbaadey Farmaajo inuu farageliyo doorashooyinkooda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.