KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wuxuu sheegay in Mareykanka uu yahay saaxiibka ugu wayn Soomaaliya ee dhinac la dagaalanka argagaxisadda iyo dib u dhiska Ciidanka.
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku biiray hogaamiyeyaasha Caalamka ee halbalyadda u diray Joe Biden oo shalay ku guuleystay doorashada Madaxtinimadda Mareykanka.
Qoraal kooban oo bartiisa Twitter soo dhigay ayuu ku yiri: Hambalyo ayaan u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden iyo ku xigeenkiisa dooran Kamala Harris. Soomaaliya waxay adin rajeynaysaa inaad ku guuleysataan waajibaadka la adiin doortay."
Farmaajo ayaa xusay inuu rajo ka qabo inay Madaxda cusub ee Mareykanka ay sii wadi doonaan iskaashiga iyo wada-shaqeynta kala dhaxeysa Soomaaliya. "Mareykanka waa xulufo iyo saaxiib wayn oo Soomaaliya leedahay, kana caawiya dhinaca horumarka."
Trump ayaa wax yar kahor doorashadda Mareykanka sheegay inuu Ciidanka dalkiisa ka socda uu kala soo baxayo Soomaaliya, taasoo aan la ogeyn inuu Joe Biden fulin doono iyo in kale, iyadoo Farmaajo dalbadey inay sii joogaan Ciidanka.
Mareykanka ayaa ka jooga Soomaaliya ku dhawaad 1,000 askari oo dagaal kula jira Al-Shabaab, iyagoo tababaray Ciidanka DANAB oo ka caawiya dhinaca howlgallada gaarka ee lagu ugaarsanya hogaamiyeyaasha Kooxda argagaxisadda.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.