Farmaajo oo ku xad-gudbay Dastuurka Soomaaliya

Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa sheegay in Madaxweynaha si kula-gal ah dhowr jeer ugu xad-gudbay Dastuurka dalka u degsan.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo ku xad-gudbay Dastuurka Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib markii uu Farmaajo shalay ka sheegay Villa Hargeysa in Gollaha Shacabka uu yahay midka kaliya go'aankiisa ka shaqeynaya dalka, waxaa soo baxaya eedeymo culus oo Madaxweynaha kala kulmay hadalkaasi uu jeediyay.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Farmaajo uusan la socon wadanka inuu leeyahay Baarlamaanka labo golle ka kooban, islamarkaana ay dastuurka ku qoran tahay awoodahooda dhinac go'aan ka gaarista arrimaha masiiriga ah.

"Madaxweynaha miyuusan ogeyn inuu madax ka yahay dal qaatay labo Golle Baarlamaanka [Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare], waxaana ugu baaqayaa in uu akhriyo dastuurka si uu u ogaado qodobada ku xusan awoodaha labada Aqal," ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Hadalka Cabdi Xaashi wuxuu kusoo beegmayaa xili uu jira khilaaf isaga kala dhaxeeya gudoomiyaha Gollaha Shacabka Mursal kaasoo mudooyinkii dambe xudun u noqday Khilaaf siyaasadeedka dalka ka jira, isagoo la saftay Farmaajo, oo kala shaqeynayo mudo-korarsi.

"Heshiis kasta oo Dhuusamareeb lagu gaaro Gollaha Shacabka baan keenayaa si uu u ansixiyo, taas oo sii xoojinaysa in Golahani uu noqdo marjicii arrimaha masiiriga ah ee dalka," sidaa ayuu Farmaajo ku sheegay khudbadii Xildhibaanada u jeediyay shalay.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame, gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka Wadajir ayaa isna ku eedeeyay Farmaajo inuu ku xad-gudbayo sharciga dalka, islamarkaana uu waxba kama jiraan ka dhigay Aqalka Sare oo matela Dowlad Goboleedyada. [Halkan ka akhri warka].

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.