Farmaajo: Suxufiyiinta aqoon malahan, qaar baa Al-Shabaab la shaqeeya

Farmaajo ayaa lagu xasuusin doonaa dowladdiisa inay ahayd midii ugu xumayd xoriydda hadalka iyo warbaahinta madaxa-banaan caburisay.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo: Suxufiyiinta aqoon malahan, qaar baa Al-Shabaab la shaqeeya

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa eedeymo uusan caddeyn u haynin u jeediyay Wariyeyaasha Soomaaliyeed, ee dowladdiisa dilka, xariga iyo caburinta ku samaysay.

Isagoo ka hadlay kulan Su'aallo waydiin ah, Farmaajo wuxuu sheegay in Suxufiiyinta Soomaaliyeed ay isagu jiraan kuwa aan aqoon lahayn iyo kuwa argagaxisadda Al-Shabaab la shaqeeya.

Hadalka Madaxweynaha waxuu meel ka dhac ku yahay sumcadda iyo howsha ay hayaan suxufiyiinta, oo khatar u geliyay naftooda inay shacabka usoo gudbiyaan waxa ka dhacaya dalkooda.

Waxuu sidoo kale hadalkan banaanka soo dhigay wajiga dhabta ah ee Farmaajo, iyadoo siyooyinka ka muuqdo hohaankiisa lamid yihiin kuwii kaligii-taliska.

Madaxweyne isagoo Xubno Al-Shabaab katirsan u magacaaabey xilal Sare, oo ay kamid yihiin Fahad Yaasiin iyo Zakariye, madaxii Amniyaatka argagaxisadda oo hadda hogaanka NISA kamid ah.

Dhawaan ayuu Farmaajo saxiixay sharci saxaafadeed ay ku jiraan qodobo lagu ciqaabayo wariyeyaasha, hadii ay tebiyaan warar aan dowladda farxad-gelin.

Tan iyo doorashadii Farmaajo 2017, waxaa Soomaaliya lagu dilay wariyeyaal aad u badan, waxaa la xiray goobo warbaahineed, iyadoo NISA hanjabaad iyo caga-juglayn ku sameysay howlwadeenno, qaar dalka ka cararay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.