Gaalkacyo oo Golle deegaan loo sameeyay

Mudo dhowr bilood ah ayaa khilaaf ka taagnaa dhismaha Gollaha deegaanka Gaalkacyo, oo bulshada ku dhaqan magaaladda u tahay fursad ay hogaankooda kusoo dooran doonaan.

Warar Keydmedia Online
Gaalkacyo oo Golle deegaan loo sameeyay

GAALKACYO, Soomaaliya - Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug ayaa ku dhawaaqday liiska Xildhibaanadda Gollaha deegaanka magaaladda Gaalkacyo, kuwaasoo ka kooban 27 xubin, oo dhalinyaro ah.

Gaalkacyo ayaa ka jira labo maamul, Koonfurta oo hoostagta Galmudug iyo Puntland oo waqooyiga maamusha, waxayna labada Maamul Goboleed ay dhawaan sameeyay boolis isku dhaf ah oo amniga ka shaqeeya.

Gollaha deegaanka la dhisay ayaa lagu wadaa inay doortaan duqa magaaladda iyo ku xigeenkiisa, sida ay sheegtay wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug oo howsha gacanta ku haysa.

Galmudug ayaa hadda ku guda jirta dhismaha golle deegaan oo loo sameynayo magaalooyinka waaweyn, si doorashooyin qof iyo cod ah loo gaarsiiyo Maamulkan mudada dheer kusoo jiray jahwareerka siyaasadeed iyo kala qeybsanaanta.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.