Galmudug oo wariye ku xirtay Guriceel

Tacadiyadda Wariyeyaasha ka shaqeeya Soomaaliya ayaa aad usoo kordhaya, iyadoo dhinacyada siyaasadda aysan dulqaad u lahayn in warar ku saabsan musuq-maasuq iyo maamul xumada laga tebiyo.

Warar Keydmedia Online
Galmudug oo wariye ku xirtay Guriceel

GURICEEL, Soomaaliya - Ciidamada amniga Galmudug ee ku sugan Guriceel ayaa xalay saqdii dhexe ku xiray magaaladda wariye C/wali Maxamed Tooxow oo wararka dagaalka halkaaso uga soo tebinayay warbaahin maxali ah maalmihii lasoo dhaafay.

Wariye Tooxow ayaa looga yeeray saldhigga booliska kahor inta aan xabsiga la dhigay, wuxuuna xarigiisa la xiriiraa shaqadiisa saxaafadda iyo tebinta wararka dagaalkii Guriceel oo Maamulka Qoor-Qoor uu dhibsadey in xaqiiqda ka jirta dunida loo soo bandhigo.

Bishii September ee lasoo dhaafay ayaa wariye Tooxow lagu xiray Dhuusamareeb, waxaana muuqata in maamulka hadda ka jira Galmudug uu wado tacadiyo iyo caburin oo ku haya warbaahinta madaxa-banaan iyo wariyeyaasha ka howlgala gobolka.

Ma jirto cid ka hadashay xariya suxufiga, oo kusoo beegmay xili shalay Galmudug ay sheegtay inay si buuxda ula wareegtay Guriceel, oo mudo ku dhaw hal bil ay Ahlu Sunna haysatay.

Soomaaliya waxay kamid tahay meelaha ugu khatarta badan ee lagu dilo wariyeyaasha, iyadoo loo sababeeyo isla-xisaabtan la'aanta iyo colaadaha mudada dheer ka jira wadanka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.