Ganacsatada Xoolaha Soomaaliya oo sanadkan khasaarey $500 million

Markii la gaaro bisha Carafo, waxaa dalka Sacuudiga isagu tago labo illaa saddex milyan oo Muslimiin ah, oo daafaha caalamka isaga kala yimaada si ay u gutaan waajibaadka Xajka.

Warar Keydmedia Online
Ganacsatada Xoolaha Soomaaliya oo sanadkan khasaarey $500 million

MUQDISHO, Soomaaliya - Ganacsatada Soomaalida ee Xoolaha nool u iib-geyn jiray dalalka Carabta, ayaa soo gaartey 2020 khasaaro badan kadib markii boqortooyadda Sacuudiga ay joojisay sanadkan Xajka, sababo la xiriirra cudurka Coronavirus-ka.

Mid kamid ah ganacstada oo la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay in khasaarahan uu saameyn ku yeeshay dadka xoolaha dhaqda iyo kuwa ka iibsada, ee Sacuudiga u dhoofin jiray, isagoo ku qiyaasay lacagta la khasaarey sanadkan $500 million [Nus Bilyan dollar].

Dhowr Dekad, oo Boosaaso iyo Hargeysa kamid yihiin ayaan sanadkan ka dhoofin xoolihii loo diyaariyay in Sacuudiga loo iib-geeyo, iyadoo ganacsatadu sheegeen in aysan jirin suuq kale oo ku iibin karaan xoolaha oo u badan ari, laga kala keenay gobollada kala duwan ee Soomaaliya.

"Anaga iyo xoolo dhaqatada waxaa naga soo gaarey Xajka la joojiyay khasaaro aad u xulus, tusaale ahaan aniga waxaan ku maal-geliyay dhamaan lacagtii aan haystay ari badan, oo aan ku rajo-waynaa in aan faa'ido badan sanadkan ka heli doono, ma jiro suuq kale oo aan ku iibiyo,' ayuu yiri Cabdi Cali oo Hargeysa ku sugan.

Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka ugu horeeya, ee xoolahooda loo iib-geeyo Khaliijka Carabta, gaar ahaan Sacuudiga oo bisha Carafo ugu tala-galay udxiyada inuu siiyo malaayiin Xujey ah, oo magaaladda Makka u taga gudasha xajka, oo ah tiirka 5aad ee Islaamka.

Dhaqaalaha Soomaaliya wuxuu ku tiirsan yahay Xoolaha, Beeraha iyo Kalluumeysiga, balse lagama faa'idaysan mudo 30 sano ah, maadaama aan jirin dawlad horumarisa wax-soorsaarka dalka, taasoo keentay in shacabka ku tiirsanaado waxa dibada laga soo dhoofiyo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.