Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug oo maanta meelmariyay sharciyo

Golaha Wasiiradda ee Maamulka Galmudug ayaa maanta meelmariyay Afat Hindise sharciyeed, waxaana kulanka guddoomiyay Madaxweynaha Maamulka Axmed Cabdi Kaariye 'Qoor'Qoor'.

Warar Keydmedia Online
Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug oo maanta meelmariyay sharciyo

Wasiirka Amniga Gudaha, Axmed Macalin Fiqi, ayaa warbixin siiyay Golaha Wasiirada Galmudug, wuxuuna Golaha usoo bandhigay qorshaha dib u xorreynta deegaannada maqan. 

Maamulka Galmudug ayaa bilaabaya dhawaan howlallo ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab, siduu sheegay Wasiirka Amniga. 

Sharciyadda maanta lagu meelmariyay kulanka ayaa waxaa kamid ah Sharciga Nootaayada, Sharcuga Gudiga Adeegga Garsoorka, Sharciga Shirkadaha Ganacsiga iyo Sharciga Kalluumeysiga.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.