Gollaha Wasiiradda oo Kulan Deg-Deg ah isagu yimid

Kulanka Wasiiradda ayaa laga soo hor-mariyay Khamiista, oo Todobaad walba la qaban jiray, waxaana loo sameeyay midan xaalado deg-deg ah oo dalka kusoo kordhay.

Warar Keydmedia Online
Gollaha Wasiiradda oo Kulan Deg-Deg ah isagu yimid

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku-simaha Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Maanta oo Talaado ah shir guddoomiyay kulan deg deg ah oo Gollaha wasiirada isagu yimaadeen Villa Soomaaliya.

Kulankan gaarka ah ayaa looga hadlay talaabooyinka ka hortagga COVID-19, maaddaama safarada hawadu ay dib u billowdeen shalay, musiibadda ayaxa oo wali dalka qeybo kamid ah ka jirta iyo kaalmooyinka bina'aadamnimada ee la siinayo muwaadiniinta ay waxyeeladu kasoo gaartay daadadka kadib roobabkii Xagaaga ee ka da’ay dalka oo dhan.

Kulanka waxaa la isku raacay in si deg deg ah loo sameeyo guddi gaar ah oo hormuud u ah howlaha bani'aadamnimada ee loogu talagalay muwaadiniinta dhibaataysan ee ku baahsan dalka, gaar ahaan degmada Afgooye.

Toddobaadkii hore horaantiisii, ​​Dowladda Federaalka waxay ugu yaboohday Afgooye $500,000 si wax looga qabto xaaladaha degdegga ah iyo in lagu caawiyo qoysaska ay saameeyeen daadadku inta badan gobolka Shabeellaha Hoose.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.