Gudiga Farsamo ee Doorashada oo Latashiyo Sameeyay Iyadoon loo Dhameyn

Gudiga Farsamada ee Doorshada ee looga dhawaaqay dabayaaqadii July ayaa sameeyay latashiyo qeybaha kala duwan ee bulshada iyadoo aysan ku jirin Jubaland iyo Puntland. 

Warar Keydmedia Online
Gudiga Farsamo ee Doorashada oo Latashiyo Sameeyay Iyadoon loo Dhameyn

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaaladda Muqdisho ka socday shirar iyo wadatashiyo oo ay soo qabanqaabiyeen Gudiga Farsamo ee Doorashada. Wadatashiyada ayaa lagu soo waramayaa in gudiga uu la yeeshay qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadda, gudiga doorashooyinka ee labada aqal iyo gudiga qaran ee madaxa banaan ee doorashooyinka, halkaas oo ay ka soo baxeen tallooyin u xaglinaya doorasho qof iyo cod ah. 

Kalfadhiga gudiga uu yeeshay ayaa waxaan goobjoog aheyn xubnihii ka socday Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo ku gacansayray casuumaddii kaga timid Xukuumadda Farmaajo, gaar ahaan xafiiska sii'hayaha Ra'isul Wasaaraha, Mahdi Guulleed. 

Gudigan ayaa loo igmaday in uu soo diyaarsho habkii loo wajihi lahaa doorashada soo socota iyo nooca ay noqon laheyd si madaxda dowlad goboleedyada iyo Xukuumadda ay go'aan uga gaaraan.

Iyadoo ay jirto saluug fara badan oo ka imaanaya dhanka Puntland iyo Jubaland, oo ka mideysan siyaasadda doorashada, ayaa waxaa soo ifbaxaysa maalma ka hor shirka Dhuusamareeb in gudigii uu qaatay talaabooyin aan loo dhameyn. 

Wixii soo kordha, kala soco Keydmedia Online. 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.