Guluf dagaal oo ka socda Galmudug

Kooxda Al-Shabaab ayaa wali dhibaato ku haysa amniga Galmudug iyo dadka shacabka ah, oo si qasab ah uga qaadato Xoolahooda, iyadoo midaas ka dhalatay dagaallo ka dhacay gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Warar Keydmedia Online
Guluf dagaal oo ka socda Galmudug

DHUUSAMAREEB - Maamulka Galmudug ayaa Khamiista maanta ah sheegay inay Ciidankiisa xoojin doonaan howlgalada milatari ee ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, oo wali khatar ku haysa amniga gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Wasiirka Amniga, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in howlgallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab ay noqon doonaan kuwii ugu dambeeyay oo gacanta Galmudug lagu soo celinayo degaanka ka maqan, isagoo balan-qaadey in dhawaan la arki doono isbedel muuqda.

Hadalka Fiqi ayaa yimid xilli ay dowladdu bilawday in boqolaal Malleeyshiyaad qabiil oo ay u furtay tababaro, si ay ugu biiraan militariga qaranka, oo dib loo dhisayo mudo dheer kadib oo dalka dagaallo ka jireen.

Waxaa loo diyaarinayaa xoreynta iyo soo celinta nabada dalka. Al-Shabaab ayaa wali gacanta ku haysa goobo badan oo katirsan Galmudug.

Ahlu-sunna oo hadda lasoo afjary joogitaankooda Galmudug ayaa sannado badan Al-Shabaab kula dagaalamaysay Galgaduud, iyadoo ka saartay Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Arbacadii shalay, Al-Shabaab ayaa weerartay tuulo ku dhow Bacaadweyn, iyagoo dagaal culus la galay dadka deegaanka. Dagaalkaas waxaa ku dhintay toban qof oo labada dhinac isagu jira, sida Keydmedia Online soo qortay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.