Hir-Shabeelle: Xeer-ilaaliye is-casilay

Xeerilaaliyaha ayaa sheegay in shaqadda uu uga tagay sababo asaga u gaar ah, islamarkaana waxaa uu ku wargaliyay Madaxda Sare, gaar ahaan Madaxweynaha Hirshabeelle.

Warar Keydmedia Online

Cabdullaahi Maxamed Gacal, oo ahaa xeer-ilaaliyaha Maamulka HirShabeelle ayaa ku dhawaaqay inuu iska-casilay xilka, kana tagey shaqada, sida ku xusan warqadda is-casilaaddiisa oo ku taariikhaysan 20-ka August 2020, taasoo maanta la faafiyay.

Wuxuu ku wargeliyay Is-casilaadiisa Madaxweyne Waare, kuxigeenkiisa Cali Guudlaawe iyo Wasiirka Cadaaladda, isagoo go'aankiisa uu xafiiska ku baneeyay ku sheegay inuu yahay arrimo isaga u gaar ah.

Mudooyinkii dambe waxaa soo ifbaxayay khilaaf siyaasadeed u dhaxeeyay Madaxda sare ee HirShabeelle, iyadoo dhawaan Xildhibaanno ay Mooshin kasoo gudbiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka, oo ay isku dhacsan yihiin ku xigeenkiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.