Howlgal ka dhacay jidka isku xira Muqdisho iyo Jowhar

Dowladda ayaa Ciidan u dirtay Shabeellaha Dhexe todobaadkii tagey, si ay Al-Shabaab uga sifeyso wadada dheer ee Muqdisho ku xira degmooyinka Balcad iyo Jowhar, oo Al-Shabaab weeraro ka geystaan.

Warar Keydmedia Online

JOWHAR - Ciidanka DANAB ayaa howlgal ka sameeyay Maanta wadada u dhaxaysa Muqdisho iyo magaalooyinka Balcad iyo Jowhar, kaasoo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku dhuumaalaystaan Xoogaga Al-Shabaab.

Dhowr xubnood oo kamid ah Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgalka lagu xaqiijinayo amaanka wadada muhiimka ah, waxayna Saraakiishu sheegeen in dhowr jid-gooyo ay qaadeen kuwaasoo dadka iyo gaadiidka lagu dhibaaten jiray.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.