Ingiriiska oo taageeraya Galmudug

Ingiriiska ayaa kamid ah dalalka Beesha Caalamka ee dhaqaalaha badan ku bixiya dib usoo celinta Soomaaliya iyo xasilinta dalka oo mudo 30 sano ah dagaallo kusoo jiray.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Cali Daahir Ciid, oo ah Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa kula kulmay xarunta Xalane, ee Muqdisho safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender oo ay kawada hadleen sidii UK mashaariic horumarineed uga fulin lahayd degaanka Maamulkiisa.

Ben Fender ayaa balan-qaadey in dowladda Ingiriiska ay xarun ka furan doonto, si ay u kordhiso howlaha ay degaanka ka wadaan hay'adaha dalkiisa ka socdo, oo horey xoogga u saari jiray Koonfurta Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.