Iska hor-imaad Khasaaro sababay oo Muqdisho ka dhacay

Isku dhex yaaca ka dhex jira howlgallada Ciidamada ayaa loo sababeynayaa dhacdooyinka soo noqo-noqday ee la xiriira askarta isku rasaaseysa gudaha Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Iska hor-imaad Khasaaro sababay oo Muqdisho ka dhacay

MUQDISHO, Soomaaliya – Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, gaar ahaan degmada Yaaqshiid waxaa xalay ka dhacay isku hor-imaad sababay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamo kawada tirsan Militeriga iyo Booliska.

Goobjooge ayaa sheegaya in iska hor-imaadka uu yimid kadib markii Ciidamada Militeriga ay isku dayeen in ay xoog ku maraan bar-kontrol oo ku taallo degmada Yaaqshiid, islamarkaana ay ku suganyihiin Ciidamo Boolis ah.

Is rasaaseyn kooban ayaa goobta ka dhacday, waxaana ku dhintay hal askari oo katirsanaa Ciidamada Militeriga, halka mid kale oo boolis ahna uu dhaawac kasoo gaaray.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Militeriga ay galbinayeen gaadiid Qaad lagu wado, booliskana doonayeen in ay baaraan, taasoo sababtay inay labada Ciiidan fooda is daraan.

Laamaha amaanka ilaa iyo hada war kama soo saarin arintaan, balsé waxaa xusid mudan in dowladda Soomaaliya ay dalka ka joojisay keenista Qaadka, sababo la xiriirio COVID-19, inkastoo hada si dhuumaaleysi ah dalka lagu soo geliyo, suuqyadana lagu iibiyo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.