Jadwalka doorashooyinka Soomaaliya oo dib u dhacay

Jadwalkii doorashooyinka sidii ku qorneed 1-da bishan November ayaa horay loogu asteeyay in ay dhacdo soo xulista, diyaarinta ergooyinka iyo goobaha cod bixinta, mana muuqato saan-saan ku aaddan hirgelinta howshaasi.

Warar Keydmedia Online
Jadwalka doorashooyinka Soomaaliya oo dib u dhacay

MUQDISHO - Soomaaliya - Madaxda dalka ayaa ku guuldateystay inay ka dhabeeyaan heshiiskii lagu saxiixay Villa Soomaaliya 17-kii September ee sanadkan oo dhigaya in 4 bilood gudahooda lagu qabto doorasho.

Heshiiska oo dhammaantiisa la xiriiray doorashadda, tan xildhibaannimo iyo tan madaxweynahaba, sida heshiiskaasi ku cad soo xulista guddiyada doorashooyinka iyo kan xallinta khilaafaadka (Guddiyada Labada heer) waxaa loo qorsheeyay in bishii ina dhaaftay ee Oktoobar 10 - 20 lagu soo af-jaro, tababar siintoodiina weli fari kama qodna.

Dib u dhica ayaa yimid kadib markii dowlad goboleedyada aysan ku soo magacaabin xubnihii la siiyay waqtigii loogu talagalay, HiShabeelle oo doorasho ku maqan ayaa mar dhaw waxay soo saartay liis ka daba-tuur ah kaasoo ah xubnihii ku matali lahaa guddigan.

Gobolka Banaadir ayaan weli soo saarin xubnihiisa, waxaana gadaal ka taagan madaxweynaha oo markiisii horeba soo magacaabay Cumar Filish, tanina waxay muujineysaa rabitaanka dib u dhaca doorashadda Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey.

Ra’iisul wasaaraha waqtiga yar u harsan uma muuqdo mid firfircoon oo mudnaan siinaya doorashada in ay waqtigeeda ku dhacdo, taasi baddalkeedana wuxuu door bidayaa in waqtiga yar ee uu xafiiska joogo loogu kordhiyo bil iyo laba intii suurta-gal ah.

Soo xulistii xubnaha iyo diyaarinta ergooyinka waqtigii loo qorsheeyay waa 1-da November oo Maanta ah, haddiiba ay qabsoomi weysay, tii hore ee magacaabista guddiga doorashooyinka uu dib u dhacay, waxaan shaki ku jirin in doorashada Aqalka Sare, tan Golaha Shacabka iyo Madaxweynahaba uu dib usii dhici doonto.

KEYDMEDIA ONLINE ayaa horay uga diyaarisay warbixin ku saabsan daaha doorashooyinka laga cabsi qabo, waxayna u muuqataa mid ku socota waddadii aan horay u sheegnay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.