Jubaland: Askari dil lagu xukumay

Garsooraha maxkamada Ciidamada Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday Faarax Cabdirashiid Cilmi.

Warar Keydmedia Online

Maxkamadda Ciidanka Jubaland ayaa shaacisay xukun dil ah oo ay ku riday Maanta Askari lagu magacaabo Faarax Cabdirashiid Cilmi oo horay ugu eedaysnaa in uu dilay marxuum Cabdi Muxumed oo ahaa nin shacab ahaa.

Askariga ayaa ka tirsanaa Ciidanka daraawiish-ta Jubbaland ee ka howlgala deegaanka Cabdalla Biroole, oo duleedka magaaladda Kismaayo ku yaalla.

Maamullada iyo Dowladda Dhexe ayaa xukuno dilal ah ku rida, kuna fuliya shaqsiyaad lagu eedeeyo dilal iyo inay Al-Shabaab-nimo, iyadoo midba uu leeyahay Maxkamadiisa gaarka ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.