Jubbaland oo kahor timid ansixinta Gollaha Adeegga Garsoorka dalka

Jubbaland ayaa noqonaysa maamulkii labaad oo qaadaca ansixinta Gollaha Adeegga Garsoorka dalka, oo lagu soo beegay xili Farmaajo waqtigiisa uu sii dhamaanayo sanadkan.

Warar Keydmedia Online
Jubbaland oo kahor timid ansixinta Gollaha Adeegga Garsoorka dalka

KISMAAYO, Soomaaliya - Maamulka Jubbaland ayaa qaadacay dhismaha Hay'adda Batroolka iyo Gollaha Adeegga Garsoorka dalka oo ay dhawaan ansixiyeen Gollaha Wasiirada Xukuumaddii Ra'iisul wasaare Kheyre ee dhawaan kalsoonida lagala noqday.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay ansixinta Gollaha Adeegga Garsoorka dalka ay tahay mid sharci darro ah, islamarkaana aan laga talo-gelin dhinacyadii qaabilsanaa arintaan.

Waxuu sheegay in Gollaha Wasiirada ay yihiin kuwa sii hayayaal ah, balse aysan meel marin karin arrimaha masiiriga dalka ee wada xaajoodka u baahan.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sidoo kale sheegay in Golaha Adeegga Garsoorka uu yahay mid muhiim ah u dalka, balse haatan dad gaar ah loo soo xulay, iyadoo aan lala tashan dhinacyadii qaabilsanaa, sida Maxkamadda sare, ururada qareenada Soomaaliyeed iyo bulshada rayidka.

Horey waxaa arintaan u qaadacay xisbiyada mucaaradka dalka, uruurrada qareennada Soomaaliyeed iyo maamulka Puntland, Jubbaland ayaana noqoneyso maamulkii labaad ee arintaan ganafka ku dhufta.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.