Kenya: Ma aqbali doono go’aanka ICJ ee kiiska muranka Badda

Kenya ayaa muran gelisay badda Soomaaliya, waxay diidan tahay in loo cabiro sida saxda ah, iyadoo dowladda Soomaaliya dacwadii ka gudbisay 2014 natiijadeeda lagu dhawaaqi doono Oct 12.

Warar Keydmedia Online
Kenya: Ma aqbali doono go’aanka ICJ ee kiiska muranka Badda

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal sare oo katirsan dowladda Kenya ayaa u sheegay Daily Nation shalay in Uhuru uu qaadici doona go'aanka laga sugayo ICJ 12-ka bisha October 2021.

Mas'uulkan oo jagadiisa iyo magaciisa la shaacin, ayaa yiri: Marna ma aqbali doonno go'aanka ICJ, waayo waxaa loo maray iiska badda hab aan sharci ahayn ”oo ay fuliso hay’ad caalami ah."

Wuxuu intaasi ku daray in Kenya ay raadin doonto wadooyin kale oo ay u marto inay badda lagu muransan yahay difaacato, iyadoo horeyna daboolka uga qaadey in ay isku dayi doonto dowladda u dhalan doonta Soomaaliya inay kala xaajooto.

Xukunka maxkamaddu waa kama dambays, mana laha rafcaan.

Soomaaliya iyo Kenya labaduba waxay ku tartamayaan lahaanshaha dhul badeed saddex geesood ah oo cabirkiisu yahay 100,000km2 oo ku yaalla xadka Badweynta Hindiya.

Soomaaliya ayaa maxkamad tagtay 2014 -kii kadib markii ay ku ku guul -darreysatay inay arrinta si hoose ula xaliso deriskeeda Kenya, wuxuuna kiiskan saameeyay xiriirka dalalka.

Kenya waxay doonaysaa in xagal 45 loo cabiro badda, halka Soomaaliya rabto xagal toosan, oo ku dherarsan xuduudeeda dhulka. Goobta lagu murasan yahay waxaa ka buuxa shidaalka, iyadoo labada dowladeeda mar hore heshiisyo kula galeen shirkado shisheeye oo sahmiyay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.