Kenya oo saldhig ka dhistay meel ku dhaw badda ay boobayso

Saldhigan ayaa xariga laga jaray dhawaan, waxaana lagu soo beegay xili ICJ la filayo inay 12ka bishan soo saarto go'aan kama damabeysa ah oo kiiska badda la xiriira.

Warar Keydmedia Online
Kenya oo saldhig ka dhistay meel ku dhaw badda ay boobayso

LAMU, Kenya - Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa Todobaad kahor xariga ka jaray saldhig Ciidanka badda Kenya looga dhisay gobolka Xeebta ku yaalla ee Lamo, oo ku dhaw xadka Soomaaliya.

Lamu waxay u nugushahay weerarada Al-Shabaab, waxaana sanadkii tagey lagu dilay saddex Askari oo Mareykanka u dhashay kadib markii Al-Shabaab gashay saldhigooda Manda Bay.

Furitaanka saldhiggan ayaa lagu soo beegay maalmo kahor inta uusan soo bixin go'aanka Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee [ICJ], taasoo go'aaminaysa cida leh badda lagu murmay.

Go'aanka waxaa la filayaa inuu soo baxo 12-ka bishan October, iyadoo durba Kenya billowday diidmada in Soomaaliya loo xukmiyo xuduuda badweynta Hindiya ee ay ku doodayso inay leedahay.

"Saldhiga laga dhisay Manda Bay waa mid muhiim u ah la dagaalanka argagaxisadda iyo ilaalinta amniga badda, waxaa taasi dheer in saldhigga uu xoojinayo amniga gobolka Lamu, islamarkaana difaacayo ganacsiga," ayuu yiri Uhuru.

Waxaa laga dhisay Lamu dhawaan dekad ku baxday lacag gaareysa $24 bilyan, taasoo isku xiraysa ganacsiga Kenya, South iyo Itoobiya. Bangiga Adduunka ayaa siiyay Kenya $100 milyan si loogu caawiyo kalluumeysatada Lamu, oo ka cabsi qaba hadii ICJ u go'aamiso badda Soomaaliya ay lumin doonaan isha ugu wayn ee kasoo gala dhaqaalaha.

Bulshada ku tiirsan kalluumeysiga ee Lamu ayaa dowladda ka codsadey inay difaacdo badda, oo aysan u ogolaan inay Soomaaliya ka qaadato, maadaama ay ku nool yihiin kalluunka ku jira.

Kenya markii ay ogaatey in looga adkaadey kiiska badda, ayay billowday inay saldhiga ka dhisto Lamu, oo ku aadan cabirka xuduuda badda Soomaaliya, waxayna sheegtay inay qaadici doonta go'aanka ICJ, ee soo baxaya 10 maalin kadib.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.