KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ra'iisul Wasaare Kheyre ayaa qabtey Shir Jaraa'id markii uu kusoo laabtay Muqdisho, isagoo ku dhawaaqay inuu iska-casilay xilka, waxuuna ku tilmaamay go'aankii Gollaha shacabka mid sharci darro ah, oo aan wadadii saxda ahayn loo marin.
MUQDISHO, Soomaaliya - Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay inuu iska-casiley xilkii Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, isagoo dhanka kale ku tilmaamay mooshinkii Gollaha Shacabka uu kalsoonida ugala noqday Xukuumadiisa mid aan sharci ahayd.
"Anigoo og In waxii maanta [Sabtid, July 25] Gollaha shacabka ka dhacay ay ahaayeen sharci darro, loona marin habraacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed, In xitaa aanay ajandaha ku jirin, in aanay waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka, Haddane waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilka aan ummadda Soomaaliyeed u hayay, aniga oo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato. Si aan ugu turo shacabka, qaybna uga noqon Khalkhal iyo dib u dhac siyaasadeed, mid dhaqaale, amni iyo bulsho".
Kheyre ayaa sheegay in Mooshinka uu ahaa mid aan ajandaha Gollaha Shacabka ku jirin, oo aan laga doodin, oo loo codeyn islamarkaana aan loo marin habraacii saxda ee xilka qaadis xukuumadeed, sidaasi darteedna uu isaga tagey xafiiska, maadaama markii hore aan xukun u joojin balse u joogay inuu Shacabka u adeego.
Waxaa muuqata in Mooshinkii xilka-qaadista Kheyre uu ahaa mid horey loo qorsheeyay, oo lala sugayay waqtiga munaasabka ah, oo uu Ra'iisul Wasaaraha ka maqan yahay Muqdisho, waxaana Farmaajo iyo Fahad Yaasiin u dabaal-degayaan inuu u hirgelay qorshahoodii mudo korarsiga.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.