La dagaalanka Musuq-maasuqa Galmudug

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay inaan loo dulqaadan karin marnaba musuq-maasuqa Mas'uuliyiinta xilalka haya ee ku jira Maamulka uu hogaamiyo.

Warar Keydmedia Online
La dagaalanka Musuq-maasuqa Galmudug

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ku dhawaaqay inuu la xisaabtamayao wasiiraddiisa, islamarkaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono mas'uul kasta oo Maamulka katirsan, oo lagu helo musuq-maasuq.

Wuxuu xusay in Galmudug aysan xamili karin musuq-maasuq, maadaama ay tahay maamul cusub, oo dib u dhiskiisa laga shaqeynayo, kaasoo ku tiirsan deeqaha dhaqaale ee la siiyo, maadaama uusan lahayn illo dhaqaale iyo xaruumo ay Wasiiradda ku shaqeeyaan.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqey Baarlamaanka inuu xoojiyo la-xisaabtanka Wasiiradda, oo ay u yeeraan mid kasta mar si su'aallo looga waydiiyo shaqooyinka uu qabto iyo mashaariicda uu gacanta ku hayo ee lagu horumarinayo degaanka.

Qoor Qoor ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyadda, oo isaga uu ku saxiixay sharcyo dhowr ah oo ay horay u meel mariyeen Xildhibaannada Baarlamanka Galmudug.

Soomaaliya ayaa sanad kasta safka hore ka gasha dalalka ugu musuq-maasuqa badan dunida, taasoo loo sababeeyay isla-xisaabtan la'aanta iyo inaysa jirin hay'ado dowli ah oo awood leh.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.