Maamulka Qoor-Qoor oo eryay Shaqaale Badan

Galmudug ayaa waxay ka horumari la'dahay faragelinta dowladda fadhisa Muqdisho, oo disha ka maamusho islamarkaana u dhistay Maamulka uu hogaamiyo Qoor-Qoor.

Warar Keydmedia Online
Maamulka Qoor-Qoor oo eryay Shaqaale Badan

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Wasaaradda Maaliyadda Galmudug ayaa shaqada ka joojisay 40 shaqaale oo ka shaqeynaya Canshuur aruurinta degmada Caabud-waaq iyo Balanballe, oo katirsan gobolka Galgaduud.

Waxay Wasaaradda go'aankan kala tashatay Madaxweyne Qoor-Qoor, oo amray in dhamaan shaqaalaha ka howlgala labada magaallo shaqada laga eryo, kadib markii ganacsiga degaanada ay kasoo aruurin waayeen lacagta canshuurta ah.

Qoor-Qoor ayaa sidoo kale amray in la joojiyo illaa amar dame shaqada Wasaaradda Maaliyadda ka wadey Caabudwaaq iyo Balanballe, oo uu sheegay in Maamulkiisa dib u habeyn kus ameynayo.

Halkan hoose ka akhri qoraalka Wasaaradda:

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.